Meydka Haweeney oo saaka lagu arkay Xaafad ka tirsan Kaaraan

0

Maydka Haweeney ayaa saaka lagu arkay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyadoo dadka deegaanka ay aqoonsan waayeen.

Sida wararku sheegayaan Meydkan haweeneydan oo jirkeeda ka muuqdo rasaas ayaa la soo dhigay Xaafada Suuqa Xirka Dheere.

Dhacdadan ayaa cabsi gelisay dadka deegaanka, waxaana ay sheegeen in meel kale lagu soo dilay, dabadeedna la soo dhigay xaafadooda.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa gaaray goobta la soo dhigay meydka haweeneyda, waxaana socda baaritaano.

Magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay waxay caan ku aheyd meydadka la soo dhigo xaafadaha, kuwaasoo inta badan meelo kale lagu dilo.