Maamulka Hirshabelle oo ka digey hay’adaha Samafalka inay musuqmaasuqaan deeqaha

0

Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa uga digey hay’adaha samafalka inay musuqmaasuqaan deeqaha loogu talogalay shacabka ku nool Maamul Goboleedka Hirshabelle.

Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Maxamed Muqtaar Bashiir”Daqare” ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ay musuqmaasuqaan deeqaha loogu talogalay beeralayda ku nool dowlad goboleedka Hirshabelle.