DHAGEYSO:-Xildhibaan Goodax Barre” Xildhibaano wakiilo shabaab ah ayaa la wareegay Golaha shacabka

0

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa si kulul uga hadlay buuqii iyo fowdadii ka dhashay kulankii Baarlamaanka ee maanta looga doodi lahaa arrimaha Amniga, kaddib markii la isku mari waayay in Saxaafadda kulanka goobjoog ka ahaato iyo in dibadda loo saaro.

Wasiir Goodax oo gudaha xarunta Warbaahinta kula hadlay ayaa baaqashada kulanka maanta ku eedeeyay Xildhibaano sida uu sheegay u jooga baarlamaanka Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo aaney dooneyn in dood laga yeesho amniga.