AKHRISO:- Koonfur Galbeed Oo Hakisay Xiriirkii Xisbiyada Siyaasadeed Ee Dalka

0

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu hakiyay wadashaqeyntii kala dhexeeysay Ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Sidoo kale Wasaaradda Arimaha Gudah Koonfur Galbeed ayaa ku wargelisay dhammaan Ururada iyo xisbiyada siyaasadeed ee heer federal iyo dowlad Goboleed in ay dib u dhigaan shaqooyinkii ugu qorsheysnaa inay ka qabtaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay,isla markaana ay taageersan tahay dadaalada hanaanka Doorashooyinka Xisbiyada badan ee doonayo in dalka la hergeliyo heerka dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka.