Soomaaliya oo ka qeyb galaysa shir ka dhacaya Qatar

0

Wafdi uu hogaaminaayo Cabdi Xaashi Cabdillaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.

Wafdiga oo isugu jira Senataro ,Xildhibaano 10 xubnood ah iyo Hoowl-wadeeno ayaa waxaaa dalkaasi Qatar ay uga qeybgeli doonaan shir weynaha 140 AAD ee Barlamaanada Aduunka(IPU) oo Sanadkiiba mar la qabto.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa la filayaa inuu khudbad dhinacyo badan taabaneysa uu ka jeediyo shirkaas oo diirada lagu saari doono adkeynta iyo xoojinta wadashaqeynta Baarlamaannada Aduunka, waxaa uuna socon doonaa Shirkaasi mudo Isbuuc ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Wakiilada kale ee ka socda Baarlamaanada Aduunka.