SAWIRRO:-Maamulka Puntland oo dib u celiyay 43 muhaajiriin ah oo kasoo jeeda Ethiopia

0

Wasaaradda arimaha gudaha Puntland oo kaashaynaysa Hay’adda IOM ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso ka sagootisay ilaa 43 muhaajiriin u dhalatay dalka ethiopia kuwaas oo mudooyinkii dambe ku sugnaa gudaha magaalada Bosaaso.

Dadkan oo horey qaab tahriib ah kusoo galay deegaanada Puntland ayaa horey ay dowladdu u sheegtay in ay u dajisay qorshe ay dib ugu celinayso dalkooda hooyo iyadoona maanta ay suurtagashay in diyaarad laga saaro Bosaaso si loogu celiyo dalka Ethiopia oo ay horey uga yimaadeen.

kumanaan dad ah oo kasoo jeeda dalka Ethiopia ayaa siyaabo kala ugu nool magaalada Boosaaso iyadoona qaar badan oo kamid ah dadkan ay Bosaaso u yimaadaan si ay uga tahriibaan.

Puntland ayaa horey u sheegtay in ay dib u u celinayso dadka ajaaniibta ee kasoo jeeda qowmiyadaba ethiopia ee qaabka sharci darrada kusoo gala deegaanadeeda taasoo ay muuqan talaabooyin wax ku ool ah oo dowladdu ka qaadatay maadama ay maalinba maalinta ka dambeysay kusoo qulqulayaan gudaha magaalooyinka Puntland gaar ahaan magaalo xeebeedka Boosaaso.