Ra’iisul Wasaaraha JFS oo ku eedeeyay dowladihii hore Maamul Xumo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladihii hore ee Soomaaliya aysan lahayn qorshe maamul ee dhinaca maaliyada ah taasina ay sababtay in qandaraasyo ay bixiyeen ay siin waayeen dhaqaalihii loogu talogalay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladiisu mudadii ay jirtey aan lagu yeelan wax deyn ah balse dowladihii ka horeeyay ay ka tageen iyadoo deyn lagu leeyahay.

“Maalintii aan nimid ilaa iyo hadda ma jirto cid deyn ku leh dowlada,waxaana bixinay 100 Milyan oo dowladihii hore lagu lahaa oo sidii ay tahay aan loo maamulin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kheyre.

Lacagta deynta ay dowladiisu bixisay ayuu ku sheegay inay ahayd mushaar aan la bixin iyo qandaraasyo dad la siiyey.