Midowga Yurub oo balanqaaday in sanadkan taageero uu ku bixin doono Qorshaha amniga kala guurka dalka

0

Midowga Europe ayaa balanqaaday in uu sii wadi doono taageeradda uu siiyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM si ay u fuliyaan  qorshaha kala guurka amni ee Soomaaliya.

Jorge Pereiro Pinon oo Midowga Europe u qaabilsan nabadda Africa ayaa hadalkan ka sheegay  Shir lagu qabtay magaaladda nairobi ee caasimadda Kenya kaasi oo loo hadlay miisaaniyadda Amisom.

“Wadamadda xubnaha ka ah midowga Europe waxay balanqaadeen in ay taageeraan dhaqdhaqaaqa AMISOM Ee 2019 ilaa iyo 2020” ayuu yiri Pinon.

Midowga Europe waa taageeraha ugu weyn ee AMSIOM waxaanaa uu howlgalka ka caawiyay shaqooyinkii uu qabanayay tan iyo Sanadkii 2007

Hadda waxaa la dejiyay miisaaniyadda uu midowga Europe Howlgalka ku bixinayo Sanadkaan.

Reer Europe waxaa ay sidoo kale bixiyaan mushaarka ciidanka Midowga Africa ee Soomaaliya jooga oo uu ka mid yahay booliiska howlgalka gadaal uga soo biiray.

Pinon ayaa sheegay in taageeradoodu ay muujineeyso iskaashiga adag ee u dhexeeya Midowga Europe iyo Midowga Africa. Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in qaybta ugu muhiimsan ee taageeradda sanadkaan ay tahay fulinta qorsha kala guurka amni ee Ciidanka Soomaaliya ee  loogu wareejinayo masuuliyada amnigooda.