DHAGEYSO+SAWIRRO:-Golaha Wasiirrada Oo Yeeshay Kulan Aan Caadi Ahayn

0

Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  waxa ay Muqdisho ku yeesheen Kulan aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda amniga dalka.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa warbixin looga dhagaystay guddiga amniga ee dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u magacaabay in ay kasoo talo bixiyaan qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiiska Caymiska ee ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo Hay’adda Damaanadda Darafyada Badan (MIGA)