AKHRISO:- Xiisad ka taagan Hargeysa

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ka taagan Xiisad ka dhalatay Ganacsade la sheegay in ay baadigoobayso Dowladda Faranciiska oo ku sugan Hargeysa.

Dowladdaha Jabuuti iyo Faranciiska ayaa ka codsaday Somaliland in ay gacanta u soo galiso Ganansade Axmed Cismaan Geelle oo Bangiyo ku yaalla Faransiiska ay ku heystaan lacago uu kasoo deynsaday.

Qaar ka mid ah Shacabka degaanada maamulka Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa bilaabay in ay kasoo horjeestaan Go’aanka Somaliland ee ah in la dhiibo Ganacsaddaha.

Shacabka ayaa bilaabay Abaabul,kasoo abuuray Xiisadda Cusub ee Caawa ka taagan Magaalada Hargeysa.

Waxa jirta deyn Shirkadda GSK, ee uu mulkiilaha ka yahay Axmed Cismaan Geelle ka qaadatay Baanka Faransiiska ah ee BCI Mer Rouge, oo qayb ka ah Baanka kale ee Faransiiska ah ee BRED, kaas oo farac u ah Baanka Caalamiga ah ee BPCE. Lacagtaas waxay shirkadda GSK ku qaadatay maalgelinta Warshadda Coca-Cola oo laga dhisay Somaliland.

Milkiilaha Shirkadda GSK, Axmed Cismaan Geelle, wuxuu qaatay deyntaas isaga oo ah muwaadin reer Jabuuti ah, haystana dhalasho Jabuuti ah, muddo ka dibna wuxuu u soo wareegay, soona dagay Somaliland.