Akhriso:-Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Qarax xoogan ayaa ka dhacay meel ku dhow isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay gaari yiil afaafka hore ee Masjidka Xaynuuf balse lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxan.

Lama oga in qaraxan uu ahaa midka baabuurta lagu dhejiyo iyo inuu ahaa waxyaalaha qarxa oo lagu soo raray baabuurka

Qaraxan ayaa dhacay xilli ammaanka magaalada Muqdisho aad loo adkeeyay, waxana sidoo kale xalay uu ka dhacay qarax magaalada Muqdisho.