AKHRISO:- Puntland oo la wareegtay kiiski dilki Caasho ilyaas Aadan

0

Dowladda Puntland ayaa la wareegtay kiis-ka la xiriira kufsigii iyo dilkii loo gaystay, Rabbi ha u naxariistee, Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd ardayad 12 sanno jira.

CID-da iyo Xeer ilaalinta ayaa la sheegay iney la wareegeen baaritaankii socday, natiijada DNA-ga iyo 10 qof oo loo soo xiray kufsiga iyo dilka Caasho Ilyaas.

Dowladda ayaa laga filan karaa maalmaha soo socda iney shaaciso natiijada baaritaanka iyo DNA-ga, waxaana laga rajeynayaa iney si cadaalad ah u soo bandhigto.

Kufsigii iyo dilkii loo gaystay Caasho Ilyaas Aadan, ka dib Ciidamada PSF-ta ayaa howl galo ay sameeyeen ku soo qab qabtay 10-ka qof ee la tuhunsan yahay.