Koofur galbeed oo Sheegtay in ay si deg deg ah u furi doonto Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

0

Isxaaq Barow Isxaaq Wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in maamulka Koofur Galbeed uu dhawaan si deg deg ah u furi doono wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, taasi xilligan ay go’doomiyeen Al-Shabaab iyo koox hubeysan.

Wasiirka ku xigeenka ayaa sheegay in arintan ay kala shireen ciidamada AMISOM, islamarkaana maal maha soo aadan ay ciidamada qaadi doonaan howlgal lagu furayo wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ayaa dhibaatooyin badan waxaa ay kala kulmaan koox hubeysan oo isbaaro u taala wadada iyo Dagaalamayasha Al-Shabaab oo mararka qaar dhibaateeyada dadka shacabka ah.