AMISOM Oo War Ka Soo Saartay Howlgallada Sh/ Hoose

0

Taliska howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa war ka soo saaray la wareegista dhowr deegaan oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ciidamada dowladda federaalka kala wareegeen Al Shabaab.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa soo dhaweeyay guusha ciidamada dowladda Soomaaliya ka gaareen howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Madeira ayaa sheegay in la wareegida Tuulada Sabiid ay muhiim u tahay in laga hortago weerarada Xarakada Al Shabaab ku diyaariso gobolka ee laga fuliyo magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale taliyaha AMISOM General Tigabu Yilma ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada qabsashada Sabiid, isagoo intaasi ku daray in tani ay qeyb ka tahay isbedelka iyo dar-dargelinta howlgalka Al Shabaab looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay ku sugan yihiin.