DHAGEYSO:- Guddoomiyaha G/Banaadir Oo Si Kulul Uga Hadlay Dil Maanta Loo Geystay Darawal Mooto Bajaaj

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa si adag u cambaareeyay falkii dilka loogu geystay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa wadayaasha Mooto Bajaajka, marxuumkaas oo maanta lagu dilay Degmada Waaberi.

Eng. Yariisow ayaa Hey’addaha Amniga faray in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada loo horkeeno danbiile Maxamed Deeq Cabdi Aadan oo ka mid ah ciidamada ilaalada deegaanka Xamar oo asiga geystay falkaan dilka ah.

Waxa uu Duqa Muqdisho Tacsi u diray eheladii uu ka baxay marxuumkii la dilay, asigoona u balan qaaday in danbiilaha sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada loo horkeeni doono.