Madaxweyne Farmaajo Iyo Madax Kale Oo Ka Baaqday Shirweyne 30-Aad Oo Maanta Furmaya

0

Inta badan Madaxweynayaasha, Boqoradda iyo Amiiradda 22-ka Waddan ee xubinta ka ah Ururka Jamaacadda Carabta waxay ku sugan yihiin Caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, oo la filayo inuu maanta uga furmo Shiweynihi 30-aad ee Madaxda Carabta.

Boqorka dalka Sacuudiga iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galaysa Kulankaasi, iyadoo uu labadaasi Dowladood ka dhexeeyo Khilaaf Diplomaasiyadeed oo soo taxnaa tan iyo sannadkii 2017-kii.

Shirweynaha 30-aad ee Hoggaamiyayaasha Carabta ayaa waxay ka wada hadli doonaan Ajendayaal Xasaasi ah oo ay ka mid yihiin Xaalladaha Falastiin, Yemen,Libya, Faragelinta ay Dowladda  Iiraan ku hayso Dalalka Gobalka, La-dagaalanka kooxaha loogu yeero Argaagixisadda iyo Qaddiyadda Buuraha Golan Haytis ee uu Madaxweynaha Maraykanka dhawaan u aqoonsaday qeyb ka mid ah Xudduudka Israel.

Dhinaca kale, Madaxda la xaqiijiyey inay ka baaqdeen Ka-qeybgalka Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Carabta ku leeyihiin dalka Tunisia waxaa ka mid ah:

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo uu Kulankaasi u matalayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamaiga, Axmed Ciise Cawad oo horey uga qeyb galay Shirka Heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee loogu gogol-xaarayey Shirka Madaxda Carabta.

Inkaastoo Madaxweyne Farmaajo lagu casuumay Kulankaasi, haddana ma kala cadda sababaha uu u xaadiri waayey Kulankaasi, iyadoo la rumeysan yahay inuu u baaqday sababo la xiriira Hawlaha dhinaca Ammaanka ee looga hortagayo weeraradda Alshabaab, oo iyagu isbuucii hore geystay qaraxyo badan.

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha dalalka Algeria, Masar, Sudan, Imaaraadka Carabta, Boqorka dalka Moroko iyo Madax kale ayaan ka qeyb geli doonin Shirkaasi, iyadoo ay Wakiilo u matali doona Shirkaasi.