DHAGEYSO:- Howlgalkii ugu xoogana oo ka bilaabanaya Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa xalay shaaciyay in Magaalada Muqdisho uu ka bilowday howlgalo culus,kadib markii mudooyinkii dambe ay ka dhaceen falal amni daro.

Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in howlgalkan inta uu socdo dadka shacabka loo baahan yahay inay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga,isla markaana dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah.