Akhriso:-Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Fuliyay Gobolka Hiiraan

0

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay duqeyn dhinaca cirka ah laga fuliyay deegaano hoostaga gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaanada Luuq Jeelow iyo Orante oo dhaca duleedka degmada Baladweyne ee xarunta G/ Hiiraan.

Goobaha la duqeeyay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Lama oga illaa iyo haatan  khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntay iyo cida fulisay intaba.

Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle iyo dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa weeraro ka dhan ah Al Shabaab ka fuliya gudaha Soomaaliya.