TOP NEWS:-Madaxweynaha Puntland Oo Ku Wajahan Qardho Iyo Boosaaso

0

Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in maanta booqasho uu ku tago magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso .

Socdaalkan ayaa waxaa madaxweyne Deni ku wehlinaya xubno ka mid ah golihiisa wasiirada iyo masuu’iiliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Ujeedada safarka madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa la xariirta mid ugu kuur galayo xaaladaha ka jira deegaanada maamulkiisa.

Waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah uu la qaato madaxda iyo waxgaradka degmooyinka Qardho iyo Boosaaso.

Waa socdaalkii ugu horreeyay ee uu ku tagayo Saciid C/laahi Deni gobolka Bari, tan iyo markii la doortay xilka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.