SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ciidamada magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ciidamada xoogga dalka ee magaalada Muqdisho.Xarumaha uu tagay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa kamid ah Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliiya ee ku taala degmada Deyniile iyo Xerada Jenaraal Gordon oo iyana ku taala degmada Hodan, isagoo halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidanka.

Xubno ka tirsan Villa Somaliya ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in waxyaabaha uu madaxweyne Farmaajo Saraakiisha kala hadlay ay qeyb ka eheyd cabashada Ciidanka ee mushaar la’aanta heysata mudada 4-ta bil, taasoo ay u sii dheertahay in laga goostay cuntadii la siin jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ciidamadii uu soo arkay waxa uu ugu laab qaboojiyay iney heli doonaan wax kasta oo xuquuq ah oo ay ku leeyihiin qaranka, isagoo ka dalbaday iney amniga sugaan, ayna qaadaan duulaan ka dhan ah Shabaab.

Ciidamada Koofi Guduuda madaxtooyada ayaa saaka xirtay Wadooyinka ku dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga & wadada Tarabuunka, iyagoo ku jartay gawaaridooda, waxeyna dadka ahaayeen kuwo cagahooda maalayay.

Madaxtooyada Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin kormeerka saaka ee madaxweyne Farmaajo,mana jirin warbaahin madaxbanaan oo kormeerka Madaxweynaha ku wehelisay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa todobaadkii hore sheegay in dowladaha Turkiga, Imaaraadka iyo Ingiriiska ay joojiyeen malaayiin doolar oo ay ku bixin jireen mushaar ahaan ciidamada.