SAWIRRO:-Ciidanka Danab oo howlgalo ballaaran ka fuliyay tuulooyin hoostaga Baladul-Amiin iyo Tooratoorow

0

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ee ayaa wada howlgalo  ballaaran oo lagu lagu xaqiijiniyo Aminga Wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada walweyne ee Gobalka Shabeelada Hoose,si looga hortago dhibaatooyinka maleeshiyada Alshabaab ay shacabka u geysan jireen.

Ciidanka Dana bee Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa gudaha u galay lana wareegay deegaano hor leh oo ay shacabaka lacago baad ah kaga qaadi jireeen maleeshiyada Alshabaab,islamarkaana ay ku dhibaateyn jireen.

Deegaanada ay ciidamadu gaareen waxaa kamid ah Tulooyinka Godale, Cadalay,Luqamaan,Cilmi Shide iyo Baladul Amiin oo hoostaga degmada Toora Toorow ee gobolka Shabeelada Hoose iyo goobo kale.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sheegay in ay guulo ka soo hooyeen howlgalo ballaaran oo ay deeganadaasi ka sameeyeen,wuxuuna xusay in maleeshiyadii ALshabaab ay halkaasi isaga carareen,kadib markii ay dareemeen culeysyada kaga yimid ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Danad.

Argagixisada Alshabaab ayaa deegaanadaasi waxaa ay dadka kaga qaadi jireen lacago baad ah,taasi oo ay ku bexeen ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo weli baacsanaya firxadla Alshabaab,oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada Miyiga fog ee gobolkaasi SHabeelada Hoose.

Ujeedka ugu weyn ayaa ah in shacabku ay si nabad ah ku maraan wadada isku xirta Walaweyn iyo Muqdisho,maadaama horey ay Alshabaab dadku ku dhibaateyn jireen.