Akhriso:Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Magaalada London

0

Booliska London ayaa xaqiijiyay geerida wiil Soomaali ah oo da’diisu lagu sheegay 17 jir, kaas oo dhawaan lagu dilay galbeedka magaaladaasi.

Weerarka lagu dilay wiilkaasi Soomaaliga ah ayaa la sheegay in habeenkii Jimcaha aheyd uu ka dhacay xaafadda Syon Park, sida ay xaqiijiyeen Booliisku.

Qaar ka mid ah dadka agdhawaa goobta ayaa sheegay in Marxuumka labo ruux oo watay Toorey ay ku dileen halkaasi.

Waxaana dhaawac halis oo soo gaaray wiilkaasi uu markii dambe ugu geeriyootay isbitaalka .

Allaha  unaxariistee Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/rashiid Maxamuud, kaas oo isaga iyo qoyskiisu qaxootinimo ku galay dalka Ingiriiska.

Ugu dambeyn Booliska London ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ay doonayaan in ay ku soo qabtaan kooxihii ka dambeeyay dilkaasi.