AKHRISO:- Weerarada Daalibaan oo welwel laga muujiyay

0

Saraakiisah dalka Afghanistan ayaa sheegaya in tobanaan qof oo ka tirsanaa laamaha amaanka lagu dilay weeraro kooxda Daliban ay ku qaadeen gobolka koonfureed ee Helmand ee dalkaasi.

Dadka ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa sheegay in weerarkani uu ahaa mid ka mid ah weerarada culus ee kooxdu maalmihii lasoo dhaafay fulineysay.

rurka Daalibaan ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa gacanta ku haya inta badan tuulooyinka ku yaala gobolka koonfureed ee Helmand.

Weerarka ayay kooxdu ku qaaday saldhiga milatari ee Sangin halkaasi oo ay Daliban ay gacanta ku heyso tuulooyinka dhaca bartamaha gobolka.