Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho [SAWIRRO]

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamina ah oo ka dhacay dhismaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari qarax ah oo lala eegtay dhismaha wasaaradda oo ku dhow xarunta taliska ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir, waxaana kadib la maqlay rasaas xoogan oo ka dhacday gudaha wasaaradda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ku dhawad afar ruux oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha wasaaradda Qaraxa kadib, waxaana ay ka dagaalameen muddo daqiiqado ah, inkastoo wali dowladda aysan ka hadlin weerarka.