Muqdisho, Qaraxyo goordhow ka dhacay Xarumo Wasaaradeed

0

Qaraxyo gawaari loo adeegsaday ayaa goordhow ka dhacay dhismaha Xarumo Wasaaradeed oo ku yaala Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo kala dambeeyay ayaa ka dhacay Albaabka dhismaha Wasaaradaha Howlaha Guud, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Qaybta Booliiska ee Gobalka Banaadir oo dhamaantood ku yaala isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Wali waxaa la maqlayaa rasaas goos-goos ah waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in rag hubaysan ay galeen dhismaha Wasaaradaha la wareeray.