Guddoonka Golaha Shacabka Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha

0

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Guddoonka ayaa tacsi u diray ehelada, Xukuumadda Soomaaliya, labada Golle ee Baarlamaanka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla.

Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa Maanta ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, iyo  dadkii ku shahiiday weerarkaas, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.