DHAGEYSO:- Taliye Indha-Qarshe “Ciidamada Gadoodka Sameeynaayo Waa Ay Lumi Doonaan”

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo la hadlay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa bogaadiyay shaqada wangaasan ee dalka u hayaan.

Waxa uu sheegay Taliye Indha-Qarshe in dowladda ay ku howlan tahay diiwaangelinta Ciidamada dowladda,isla markaana uu socdo tirakoobka lagu sameeynayo.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu Digniin u diray Ciidamada gadoodka sameeynayo,isagoo xusay in ay lumi doonaan,halka kuwa doonaya hormarka dalka ay kusii jiri doonaan Ciidamada Xoogga dalka.

Isagoo sii hadlayay ayuu tilmaamay Taliye Indha-Qarshe in Ciidamada kuwa ku shaqeeya hab beeleedka ee Nidaanka diidan sida ugu dhaqsiyaha badan Ciidamada looga saari doono.