Gudiga Joogtada Ee Golaha Shacabka Oo Kulan Ka Yeelanaya Furitaanka Kal-Fadhiga 5-Aad Ee Golaha

0

Gudiga joogtada ah ee golaha Shacabka Somalia ayaa maanta yeelanaya kulan ay uga hadlayaan furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee golaha shacabka oo lagu weday in uu furmo 16-ka bishaan hase’ahaate dib u dhac uu ku yimid kadib markii magaalada Muqdisho uu booqasho ku yimid madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Gelele iyo wefdi uu hogaaminayay.

Xubnaha gudiga ayaa dhamaantood maalin ka hor lagu wargeliyay in ay ka soo qeybgalaan kulan ay yeelanayaan gudiga Ajandihiisuna yahay ka doodidda xiliga uu furmayo Kal-fadhiga 5-aad ee golaha Shacabka baarlamaanka Fedraalka ee Soomaaliya.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa labadii bil ee la soo dhaafay waxa ay ku jireen fasax iyaga oo dib ugu laabtay deegaan doorashadooda si ay ugu kuurgalaan xaaladda nololeed ee deegaanada laga soo doortay,waxaana warbixinada ay dib ugu celin doonaan golaha shacabka.