DHAGEYSO:- Xildhibaano Galmudug ka tirsan oo sheegay in la marin habaabiyeey Xasilinta Cabudwaaq

0

Xildhibaan Cabdi Sugulle Guuleed iyo Xildhibaan Liibaan Cabdi Cali oo
kamid ah Baarlamaanka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa
sheegay in Guddiga Xasilinta degmadda Caabudwaaq ay marin habaabiyeen
sidii loogu talagalay qaadista lacagta Taakulo ama Canshuurta

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in Koox gaar ah lacagta laga qaado
Bulshada ay jeebkooda ku shubtaan si Musuq Maasuq ah halkii laga
doonayay in Bulshada dib loogu cesho Waxna looga qabto
Nadaafadda,Waxbarashada,iyo Mushaarka Ciidmada amniga

Ugu danbayntii ayaa Xildhibaanadaan waxaa ay Bulshada Caabudwaaq ugu
baaqeen in aysan Bixinin Lacagta Taakulo inta laga helayo Xisaab Celin
mudadii Halsano ahayd ee ay soo qaadayeen Cashuurta Guddiga
Xasilinta.
Codka Xildhibaanada Galmudug ee kusugan Caabudwaaq kana hadlay Lacagta Taakulo