Akhriso:-Madaxweynaha Galmudug Oo Degmooyin Cusub Magacaabay

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa magacaabay 10 degmo oo hoos tagi doona gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Warqad ka soo baxday madaxweyne Xaaf ayaa lagu xusay in soo jeedin ka timid dhinacyada kala duwan ee bulshada iyo horumarka dhaqaale ay ku tilaabsadeen,kadib loo magacaabay deegaanadaasi degmooyin.

Deegaanada uu madaxweynaha Galmudug u magacaabay degmooyinka oo 10 ah ayaa 5 kamid ah waxay ka tirsanyihiin gobolka Mudug halka 5 kale ay hoos tagi doonaan gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Degmooyinka uu magacaabay madaxweyne Xaaf ee hoos imaan doona Galgaduud ayaa kala ah Guriceel,Godinlabe,baxdo,galnsoor iyo dhabad, dhanka gobolka Mudug degmooyinka cusub ee loo magacaabay ayaa kala ah Bandiiradleey,Bacaadweyne,Wisil Af barwaaqo iyo degmada Ceel Guula.