SAWIRO:- Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Cirka Somalia Oo Lagu Aasay Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta Aas qaran loogu sameeyay Taliye kuxigeenkii Ciidamada Cirka Soomaliyeed General Maxamed Aadan Samater oo geeriyooday.

Waxaa lagu Aasay qabuuro ku yaalla Xerada Ciidamada Cirka ee Afisyooni ee Muqdisho,waxaana ka qeyb galay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan dowladda oo ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxdii ka qeybgashay Aaska qaran ayaa Alle uga baryay in uu General Maxamed Aadan Samater ka waraabiyo Janada Samir iyo Aiimaana Alle ka siiyo Eheladii,qaraabadi iyo Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay.