DHAGEYSO:-Xukuumadda Somalia “Waqtigeeda Ayay Ku Dhaceysaa Doorashada Galmudug”

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib uheshiinsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay arrimaha doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Doorashada Madaxweynaha Galmudug ay ku dhici doono waqtigii loogu tala galay,isla markaana uusan jiri doonin dhib u dhac ku yimaada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in bisha July ee Sanadkan 2019 ay dhici doonto Doorashada,iyadoona laga hormarin doono wadahadal.