Maamulka Hirshabeelle oo baaq ka soo saaray dagaalo dib uga soo cusboonaaday deegaan ka tirsan Cadale

0

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleed dib uga soo cusboonaaday deegaano ka tirsan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dagaalada soo cusboonaaday iyo dhiigga walaalaha wada dhashay ee daadanaya.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaallada ka soo cusboonaaday Cadale, waa wax laga xumaado in dhiigga walaalaha wada dhashay ee daadanaya, Marar badan oo hore ayay dowlad goboleedka Hirshabelle ku bixisay dadaal ku aaddan heshiisiinta

walaalaha wada degan tuulooyinka hoos taga Cadalle, haddana waxaan diyaar u nahay ka maamul ahaan in aan dhigno gogol nabadeed oo lagu dhameeystirayo helidda midnimada walaalaha dhibku kala gaaray”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

“Waxaan ugu baaqaayaa dhamaan duubabka,odayaasha dhaqanka,siyaasiyiinta,haweenka,dhallinyarada,ganacsatada iyo qeeybaha kala duwan ee kasoo jeeda gobalka shabellaha dhexe in ay u istaagaan sidii loo dhameeyn lahaa khilaafka soo noq noqday ee ka taagan tuooliyinka hoos yimaada degmada Cadalle”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Dagaalada maanta ka dhacay deegaan ka tirsan Cadale ayaa waxaa ku dhintay in ka badan labaatan ruux oo isugu jira labada dhinac ee dagaalamaya.