DHAGEYSO:-Maamulka Somaliland Oo aqbalay Codsi Uga Yimid DPworld

0

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, Iyo warshadaha ayaa sheegay in ay DP World u ogolaadeen in lacagaha tafaariiqda ah ee ay ka qaaddo alaabaha kasoo degaya dekedda ay ku qaadato qiimaha suuqa, halka markii hore ay ku qaadan jirtay qiimaha baanka dhexe ee Somaliland.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ganacsatada Somaliland ay joojisay inay cashuurtaan alaabooyinka kala duwan ee uga soo degay dekedda Berbera, ka dib markii ay shirkadda DP world ee maamusha dekedda Berbera dhaqan gelisay wax ka bedel ay ku samaysay sarrifka lacagta.