DHAGEYSO:- Madaxweynaha Jubaland Muxuu Ka Yiri Khilaafkii Kala Dhaxeeyay Dowladda Somalia?

0

Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa sheegay in la xaliyay khilaafkii ka dhaxeeyay dowladda fedraalka Somaliya iyo Maamulka Jubaland isaga oo sheegay in ay guulaysteen wadahadaladii uu la yeeshay Ra’iisul-Wasaaraha inta dhimana lagu dhamaeyn doono Muqdisho oo uu safar ku tegayo.

Waxa uu sheegay in kulamo ay yeesheen ay iskula meel dhigeen tabashooyinka ay qabtay Jubaland,qodob kastana ay u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa gaar ahaana kuwa cabashada ay ka jirtay.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in lagu heshiiyay dhamaystirka wadahadalkaan in ay ka dhacaan magaalada Muqdisho isla markaana uu safar ku tegi doono isaga iyo Madaxweynaha dowladda fedraalka Maxamed C/llaahi Farmaajana ay is arki doonaan.