Gaari Ay La Socdeen Culuma’udiin Oo Ku Rogmaday Gobalka Mudug Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobalka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroornimadii hore uu ka dhacay shil gaari inta u dhaxeysa Galinsoor iyo Gaalkacyo iyada oo la soo werinayo khasaaro ka dhashay Shilkaas gaari.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii sida la sheegay uu rogmaday gaari nooca Soomaali ay u taqaan Waraadka ama Candha meyd laha oo ay la  socdeen Culuma’udiin katimid Siyaarada Shiiq Cali Samatar waxaana gaarigu uu kula rogmaday deegaanka Sedex-higlo ee gobalka Mudug xiligaas oo ay ku sii jeedeen Magaalada Gaalkacyo.

Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay ku dhaawacmeen Shilkaan ku dhawaad 10 ka tirsan culama’udiinkii saarnaa gaariga rogmaday waxaana loo qaaday isbitaal ku yaal magaalada Gaalkacyo si halkaas loogu dabiibo,ilaa iyo haatana waxaa socda gurmad.