Dowladda Faransiiska Oo Kenya Ka Taageeraysa Dagaalka Al Shabaab

0

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Kenya uu ka taageerayo dhinaca la dagaalanka Al Shabaab.

Madaxweyne Macron oo booqasho dhawaan ku tagay Nairobi ayaa la kulmay dhiggiisa Kenya oo ay ka wada hadleen xoojinta ammaanka gobolka.

Madaxweynaha Faransiiska oo booqashadiisa Kenya soo maray Ethiopia iyo Jabuuti ayaa xusay in ahmiyadiisu ay tahay sidii dalalka gobolka ay ku heli lahaayeen xasilooni

“Muhiimada ugu weyn ee safarkeyga Kenya waa dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha abuurayo xasilooni darada”ayuu yiri madaxweyne Macron.

Sidoo kale madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si weyn u soo dhawaayey ballan qaadka dhinaca ammaanka ee dhiggiisa Faransiiska,waxaana uu intaasi ku daray in Kenya ay sameyn doonto isbadal weyn .

Kenya ayaa waxaa dhibaato xoogan ay ka heystaa weeraro khasaare geysta oo dagaalyahannada Al Shabaab ay ku qaadaan gudaha dalkaasi .