Dhaq-dhaqaaqyo Militari oo ka socda Jubada Hoose

0

Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay dhaq-dhaqaaqyo military ay ka wadaan Deegaano u dhow degmada Jamaame ee Gobalka Jubada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in ay bartilmaameedsanayaan Xubnaha ka tirsan  Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Deegaanada ka agdhow Degmada Jamaame.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay Sheegeen in Maalmaha soo aadan ay Al-Shabaab ka saari doonaan Degmada Jamaame  ee Gobalka Jubada Hoose.

Shalay ayay aheyd markii ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dileen Deegaano deegaano u dhow Degmada Jamaame ee Gobalka Jubada Hoose.