DHAGEYSO:-Cabdi Xaashi” Rajo ayaan ka qabnaa in la xaliyo Khilaafka labada Gole”

0

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa waxaa uu sheegay in rajo wanaagsan uu ka muujinayo in la xaliyo khilaafka dhexeeya Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddomiyaha ayaa sheegay in xalinta khilaafaadkooda uu dhex dhexaadin doono madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay Guddomiyaha in dhowr jeer ay tanaasuleen Aqalka sare, taasina waxaa uu ku tilmaamay si loo saxo muranka ka dhex jiro, balse waxaa uu xusay in wali taasi aan xal waara laga gaarin.