AKHRISO:- Boqol Carruur Oo Ku Hoos Xayiran Burburka Dhismo Dugsi Ku Yaalla Nigeria

0

Dhismo Dugsi Hoose oo ku yaalla magaalladda Laagoos ee dalkaasi ayaa la sheegay inuu soo dumay, waxaana laga cabsi qabo inay boqol Arday iyo dad kale ku hoos xaniban yihiin burburka Dhismahaasi.

Kooxaha Gurmadka ayaa la sheegay inay weli ku hawlan yihiin sidii loo soo badbaadin lahaa dadka ku hoos xaniban Dhismaha Dugsiga oo ka koobnaa 3 dabaq.

Afhayeenka Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka ee dalkaasi, Sani Datti oo la hadlay Wakaalladda Wararka AP ayaa sheegay inay Saraakiisha iyo kooxaha gurmadka ku hawlan yihiin sidii dad nool looga soo saari lahaa burburka dhismahaasi.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here