AKHRISO:- Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Goof-Gaduud

0

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Goof-Gaduud Buureey oo ka tirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay Suuq lagu iibiyo Xoolaha oo ku yaalla deegaanka Goof-Gaduud Buureey ee Gobolka Baay, sida ay risaala u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in miinada lagu aasay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka goof-Gaduud oo ay dad Shacab ah ku sugnaayeen,waxana uu sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in ay jiraan ilaa dhaawacyada 5 ilaa 6 Ruux oo ku dhaawacmay qaraxaas,kuwaas oo la geeyey Isbitaalka Magaalda Baydhabo ee Gobolka Baay si halkaasi loogu daweeyo.