Akhriso:-Saraakiishii u Saraysay Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Iscasilay

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ku waramaya in ay iscasileen Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo abbaan-duulaha Daraawiishta Gen Siciid Maxamed Salaad (Goraya-cawl).
Saraakiishaan ayaa warqadda ay shaqada kaga tageen waxa ay u gudbiyeen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Dani).

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababaha ay xilka isaga casileen ay tahay isfaham la’aan iyo khilaaf soo kala dhex galay iyaga madaxweynaha Puntland oo ku aaddan jawaabta puntland ka bixinayso dullaanka Somaliland ku soo qaadday degaanno kamid ah koonfurta bari ee gobolka Sanaag.

Hase yeeshee weli lama xaqiijin in madaxweynaha Maamulka Puntland aqbalay waraaqaha iscasilaadda ee ay u gudbiyeen Taliyayaasha.