SAWIRRO:-Kulan ku saabsan in mudada loo kordhiyo ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka furmay

0

Wafdi ka socda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey iyo Golaha nabadda iyo amaanka ee Midowga Afrika ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho.

Guddigan Isku dhafka ah ayaa qiimeynaya isbedelka amni ee dalka tan iyo markii ay yimaadeen Ciidanka Amisom sanadkii 2007 iyo qorshaha amniga loogu wareejinayo Ciidamada Soomaalida marka la tababaro qalabna la siiyo.

Wafddigan oo qiimeynaya wixii ka qabsoomay qaraarkii Golaha amaanka ku sheegeen in Ciidamada AMISOM amaanka ku wareejiyaan Ciidanka Soomaaliya ayaa hadda ku sugan Muqdisho oo kulamo ka leh ujeedkooda.

“Waxaan Muqdisho u nimid qiimeynta halka uu marayo qorshaha lagu dhimayo Ciidamada Amisom, amnigana loogu wareejinayo kuwa Soomaalida iyo wixii ka qabsomay guud ahaan qaraarkii Golaha amaanka” ayuu kulanka ka yiri Gen. Francis Okello, oo ah madaxa qorsheynta howlgallada nabadda ee Midowga Afrika.

Waxyaabaha kulanka lagu soo bandhigay waxaa kamid ah qaraar Numberkiisu yahay 2431, kaasoo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ay soo saareen sanadkii ina dhaafay ee 2018,isagoo qeexaya in dhimista Ciidanka Amisom si tartiib tartiib ah u soocto, dalkana laga saaro Kun askari bishii February ee 2019, sidoo kalena booliska Amisom lagu soo koobo 1,040 qof.

“Waxaan la wadaagi doonaa natiijada inoo soo baxda Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey iyo golaha Nabadda iyo Amaanka Midowga Afrika,waxeyna u badnatahay iney soo baxdo in mudo kordhin loo sameeyo Ciidamada Amisom hadaan laga maarmin” ayuu isaguna yiri Gen. Okello oo hoggaaminaya Wafdiga midowga Afrika.

Vincent Pasquini, oo isna hoggaaminaya Wafdiga ka socda Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in qiimeyntooda xoogga lagu saarayo amaanka Soomaaliya, qorshaha kala guurka, u diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo in Soomaaliya ay tahay degaan nabad ah oo lagu shaqeyn karo.

Francisco Madeira, oo ah madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, ayaa ugu danbeyn sheegay in Guddigan ay la kulmi doonaan madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya, Kuwa Howlgalka AMisom iyo Wakiilada Qaramada Midoobe ee dalkan.

Si kastaba, Bishii May ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ayaa guddiyada qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ka codsatay in qiimeyntooda aysan ku saleyn waxa ay ahaan jirtay Soomaaliya ee ay ku saleeyaan xaaladda ay xilligan ku jirto.