SAWIRO:- Faahfaahin Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax Miino oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo dhacay xilli inta badan ay hurdeen dadka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay darbiga guri ku yaalla dhabarka dambe ee Kaalinta Sopico oo ku taalo ka soo horjeedka Xaafadaha Warshada taraqa & Sigaarka ee laamiga Warshadaha.

Ciidanka Booliska ayaa soo xiray shaqsiyaad ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay, waxaana hadda ay waddaan baaritaano Amniga lagu xaqiijinaayo.