DHAGEYSO:-Gudoomiye iyo Wiilkiisa oo Ku Dhaawacmay Duqeyn Diyaaradeed

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Waraha kutuma oo katirsan Degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Diyaaradaha Kenya ayaa la sheegay in ay fuliyeen duqeynta,islamarkaana ay la beegsadeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab.

Balse duqeynta ayay waxyeelo kasoo gaartay Gudoomiyiha deegaanka waraha kutuma oo katirsan Degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo wiil uu dhalay.