AKHRISO:- Meydka nin dhalinyaro ah oo saaka lagu arkay Wadada Maka Al-Mukarama

0

Meydka nin dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan meel ku dhow dhismayaasha ku burburay qaraxii todobaadyo ka hor ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama.

Meydkan ayaan waxaa ka muuqan wax dhaawac iyo rasaas, waxaana meydkiisa laga helay meel luuq ah dhismaha Kuwait Palaza oo ka mid aheyd dhismayaashii burburka ka soo gaaray qaraxyadii habeenkii khamiista ee todobaad ka hor.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ninkan uu ka mid ahaa dhalinyarada darbi jiifka ah, waxaana la sheegayaa in dishay koronto.

Ciidamada Booliska ee suga amniga Wadada Maka Al-Mukarama ayaa meydkiisa u qaaday xarunta dambi baarista CID, si baaritaan loogu sameeyo.