AKHRISO:- Madaxweyne Museveni Oo Sheegay In Somalia Looga Baahan Yahay Rabshadaha

0

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni waxa uu markii 3-aad xadgudub u geystay Haybadda Somalia, kadib, markii uu Danjiraha u jooga Burundi ugu baaqay inuu soo codsado in loo wareejiyo Somalia, si uu falalka colaadaha uga fuliyo Somalia oo uu xusay in looga baahan yahay.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan Heer Wasiir oo looga hadlayey Qaxootiga ku nool dalalka ku teedsan Harooyinka Waa weyn.

Waxa uu soo hadal qaaday fal uu Danjiraha Uganda u jooga dalka Burundi, Matayo Kayaligonza labo isbuuc ka hor ku dharbaaxay Haweeney ka tirsan Ciiddanka Waddooyinka oo lagu magacaabo saddex alifle Esther Namaganda, taasi oo Garaiga Danjiraha ku joojisay waddo ku taalla Deegaanka Seeta,

Madaxweyne Museveni waxa uu tilmaamay in Danjirahaasi oo ah Jeneral Hawlgab ah la soo taago sharciga falkii uu ku dharbaaxay Haweeney taraafiko oo waajibkeeda gudanaysay.

“Dhawaan, Jeneralka hawlgabka waxa uu dharbaaxay Haweeney Askariyad ah, haatan waxa u uJeneraalkaasi wajahi doonaa Sharciga, waayo Adiga fasax uma haysatid inaad dadka dharbaaxdo, kuna qeyliso” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda oo 31-sanno hayey Tlaada dalkaasi.

Waxa uu Museveni sii raaciyey: “Haddii aad xanaaqsan tahay oo xoog is-bidayso, waxaad I weydiisan kartaa fasax, waxaan kuu daad-gureyn doonaa Somalia, halkaasi oo Adeegyada colaadaha iyo rabshadaha looga baahan yahay”.
Dhinaca kale, Madaxweyne Museveni waxa uu hawlgalka Nabad-ilaalinta Somalia ee AMISOM iyo Hawlgalka QM ee Deganaanshaha dalka Kongadda Dimuqraadiga ku tilmaamay sidii “ Jilitaanka Masraxiyad” oo kale.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Uganda waxa uu ugu baaqay Khubarada go’aanadda colaadaha inay taxliiliyaan qoddobka ku aadan Dowladaha tabarta daran iyo inay Wasiiradda kula taliyaan Xalista arrimahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Uganda, waxa uu horey Somalia ugu tilmaamay dal aysan Dowlad kaj irin, isagoo aan wax raalli-gelin ah ka bixinin Bah-dilka uu ku hayo Somalia oo ay ka joogaan Kumanaan Askar uu ku biilo Kharajka ay ka helaan Hawlgalka ay u joogaan Somalia.