AKHRISO:- Booliska Mareykanka Oo Soo Bandhigay Magaca Nin Somali Oo Lagu Dilay Dalkaas

0

Booliska magaalladda Rojester ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi waxay sheegeen in maydkii Ninka Soomaaliga ee dhawaan laga helay waddo ku taalla magaalladaasi,kaasi oo lagu magacaabi jirey Garaad Xasan Rooble, oo 28-jir ah.

Saraakiisha waxay sheegeen in maydka ninkaasi Talaadadii la soo dhaafay laga helay K/bari ee magaalladda Rojestar, iyadoo ay ku yaalleen dhaawacyo rasaaseed.

Saraakiishu waxay kaloo xaqiijiyeen inuu socdo baaritaanka, iyadoo dilkaasina loo arko mid ay Dembiilayaal geysteen, inkastoo aan weli dad loo soo xirin.

Dhinaca kale, Booliska Maraykanka waxay ku raad-joogaan ciddii dishay Haweeney Soomaali oo iyadana lagu dilay Gobalka Kaliforniya.

Tuhunka ugu weyn ayey sheegeen Booliska inay ka qabaan Saygeeda oo baxsad ah, isla markaana ay Boliska ku raad-joogaan.