Wasiirka Bartoolka iyo Macdanta Soomaaliya Oo La Kulmay Dhigiisa Turkiga

0

Wasiirka Bartoolka iyo Macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa magaaladda Istanbul kula kulmay dhigiisa Turkiga.

Kulanka ayaa diirada lagu saarey sidii loo xoojin lahaa wadasheyn dhow oo ay yeeshaan labada wasaaradood.

Mr Cabdirashiid ayaa shaaciyay in la isla qaaday qorshe ay wasaaraddu waddo oo ah in wajiga 2aad ee kheyraadka dalka lagu soo bandhigo Turkiga.

“Waan isku afgaranay, waxaana ku heshiinay in ay nagala shaqeeyaan arrintaasi,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii, wasiirka Bartoolka xukuumada federaalka ah ayaa daboolka ka qaaday in qodobadii ay isku raaceen la dhaqan-gelin doono.

“Shirka waxaa kasoo geli doono shirkado caalami oo daneeya shidaal qodista, oo aan ku marti qaadi doono,” ayuu daba dhigay.

Bishii Febraayo ee sanadkaan 2019 ayay ahayd markii dowladdu kusoo bandhigtay caasimada UK ee London wajiga 1aad ee kheyraadka dalka.