Rasaas Lagu Furay Munaasabad Ka Socotay Baardheere

0

Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay, mid kelana uu ku dhaawacmay markii rasaas lagu furay munaasabad ay kaga qaybgaleen magaaladda Baardheere ee xarunta gobolka Gedo.

Munaasabada oo uj soo qaban-qaabiyay maamulka degmadda ayaa looga hadlayey sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen shacabka iyo mas’uuliyiinta oo dhowaan loosoo magacaabay degmadaasi.

Illo degaanka ah ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in labada qof ee wax ku noqotay tacshiirada la hubiyay munaasabada ay yihiin kuwa rayid ah.